News

GAROOWE:- WASAARADDA CADAALADDA PUNTLAND OO SHAYBAARKII UGU HORREEYAY EE LAGU BAARAYO DANBIYADA KA HIRGALISAY GAROOWE

Kulan maanta ay ku qabatay magaalada Garowe Wasaarada Cadaalada , Arrimaha Diinta iyo Dhaqan_celinta Puntland ayaa lagu soo bandhigay qorshe ku saabsan habraaca sheybaar fududeyn doona in lagu baaro  arrimahala xiriira  kufsiga,hubka, dilalka, Isqab qabsiga dadka isku haysta isirka iyo dhamaan danbiyada. Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan Celinta Puntland Dr Maxamed […]

Featured News

Gollaha Wakiilada Dowladda Puntland oo Cod aqlabiyad ah ku Meel-mariyay Xeerka Kufsiga.

Xubnaha Gollaha wakiiladda dowladda Puntland ayaa maanta cod  aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka kufsiga, kaasi oo gollaha ay u soo gubiyeen wasaaradda cadaalada iyo diinta ee Puntland. Kalfadhiga maanta  oo ay soo xaadireen in kabadan 40 mudane oo ka mid ah 66 xildhibaan ee golluhu uu ka kooban yahay ,  ayaa  ka hor intii aysan […]

News

WASAARADA CADAALADA PUNTLAND OO SOO GABAGABAYSAY AFUR SIINTA KUN QOYS OO KU NOOL GAROWE

Wasarada cadaalada arimaha diinta iyo dhaqan celinta dowlada puntland ayaa garowe ku soo gaba gabaysay afursiinta kun qoys waxayna 70,kii qoys ee ugu dambeeyay manta gudaha wasarada ku gudoonsiisay deeq isugu jirta Bur.Baris,Sonkor,Caleen,Timir iyo Saliid kuwaas oo ay wasaradu ugu talagashay inay ku afuraan inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee rabadaan. Daddka looqaybiyay deeqda raashinka […]

News

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND OO GAROOWE KAGA QAYB GALAY MUNAASABAD LOOGU MAGAC DARAY CIIDSIINTA AGOOMAHA

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 28-Jun-2016 xarunta Agoomaha Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasab loogu magac daray Ciidsiinta Agoomaha, taas oo loogu talo galay in Agoomaha looga farxiyo iyadoo la guddoonsiinayo agabkii ay ku ciidi lahaayeen. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasaaradda Caddaaladda dawladda Puntland oo door […]

Featured News

MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND GAROOWE KAGA QAYB GALAY MUNAASABAD LAGU SOO XIRAYEY TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-Jun-2016 kaga qayb galay Masaajidka Al-Huda ee magaalada Garoowe Munaasab si weyn loosoo agaasimey oo lagu  maamusayey xiritaanka Tartanta Qur’aanka Kariimka ah, tartankaas oo u dhexeeyey degmooyinka Puntland. Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda labada gole ee dawladda, guddiga garsoorka […]

Featured

On going projects

Ongoing Projects: No. Project Name Agency Implementing organization 1. Rule of Law- Justice & Correction Project UNDP Ministry of Justice 2. Alternative Dispute Resolution (ADR) Project UNDP Ministry of Justice 3. Mobile Court Project UNDP Joint project b/w MoJ and High Judiciary Council  4. Female Genital Mutilation (FGM) Project UNICEF Ministry of Justice 5. Child […]

News

Hay’adda Tadamun iyo Wasaradda Cadaalada oo Tababar ku saabsan ilaalinta Xaquuqda carruurta Garowe ku qabtay (Sawirro)

Garowe(pp) Tababar ku saabsan sida ugu wanaagan ee loo ilaalin karo xaquuqda carruurta ayay maanta Hay’adda Tadamun oo kaashanaysa Wasaradda Cadaaladda Puntland ku qabatay magalada Garowe, tababarkaasi oo ay kasoo qayb galleen in ka badan 50-qof oo iskugu jira culimo, aqoon yahan iyo ardayda Jaamacadaha. Maxamed Cabdiqaadir oo ka socday Hay’adda TADAMUN ayaa sheegay ahmiyada […]

News

Garoowe oo lagu qabtay shir looga hadlay ladagaalanka Musuq-maasuqa iyo hirgelinta maamul wanaaga

Garowe(pp)-Shirweyne balaaran oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda astaynta iyo Maamul Wanaaga Dawladda Puntland ayaa maanta ka dhacay Xafiiska ay Hay’addu ku leedahay Magaaladda Garowe ee Caasimadda Dawladda Puntland, kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay inta badan agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawlada Puntland. Waxaana ugu  horayn ayadaha quraanka Kariimka iyo […]

News

Wasaradda Cadaalada Puntland oo gaari ku wareejisay Maxkamadda Degmada EYl (Sawirro)

Wasaradda Cadaalada iyo Diinta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gaari loogu talo galay inuu u shaqeeyo maxkamadda degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ku wareejisay mamulkaasi, waxana gaarigan wasaradda soo gaarsiisay Hay’adda DDG. Munaasibadda gaarigan ay wasaradda Cadaalada ku wareejinaysay Maxkamadda Eyl ayaa lagu qabtay xarunta wasaradda, waxana kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda dowladda, […]

Featured

Madaxweynaha Puntland oo afur iyo casho u sameeyey Ardaydii Tartanka Quraanka Puntland (sawirro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa afur iyo casho sharaf ugu  sameeyey Rugsan Hotel ardaydii ku tartantay akhriska Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland. Kulankaasi afurka iyo cashasharafta ahaa ayaa Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac  uu madaxweynaha Puntland u wakiishay in uu ardaydaasi kala qeyb-galo. Dhammaan […]

Featured

Tababar lagu xoojinayo Dimuqraadiyada iyo cadaalada oo ka furmay magaalada Qardho(Sawiro)

Magaalada Qardho waxaa lagu daahfuray Tababar socon doono mudo sanad ah,waana mid looga hadlayo Dimuquraadiyada iyo Cadaalada waxaana loo qabtay 50 Qof oo kamid ah odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale. Tababarkan ka furmay Hotel Gufure ee magaalada Qardho ayaaa waxaa daahfurkiisa ugu horeyn ka hadlay maamulka degmada Qardho oo aad u taageeray Barnaamijka looga hadlayo Dimuquraadiyada iyo cadaalada, […]

Featured

Madaxweyne Gaas oo ka qeyb galay xafladdii xiritaanka tartanka Qur’aanka gobolada Puntland(Sawiro)

Xafladda Soo xiritaanka tartanka oo ka dhacay gudaha masaajidka Hudda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay  Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan iyo dadweyne kale. Kadib markii munaasabadii salaada jimce la tukaday ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali […]

Featured

Wasiirka Cusub ee Cadaalada Puntland oo loo Dhaariyey Xilka wasaaradda

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-6-2015 lagu dhaariyey xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Garsoore Aadan Cumar Maxamed oo katirsan Maxkamadda sare ee Puntland ayaa wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland mudane […]