MEDIA News Somali News

Madax ka socotay Hay’adda UNHCR Oo Kulan Layeeshay Madaxda Wasaaradda Cadaaladda Puntland

Waxaa taariikhdu marka ahayd 22 may 2019 ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaaladda Puntland ee Garoowe, kulan ay wada yeesheen Madaxda Wasaaradda iyo wafdi ka socday Hay’adda UNHCR.

waxaana kulanka Goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaardda Cadaaladda Puntland Mudane Cawil Shiikh Xaamud , Wasiir Kuxigaynka Wasaaradda Dr. Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi, Latilayaha Wasaaradda Mudane Maxamed Jeelle, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, iyo Sarkaal kasocday Xafiiska Xeer ilaalinta.
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in looga wada hadlo wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo UNHCR.

ugu horayntii waxaa shirka daah furay soona dhaweeyay wafdigii ka socda UNHCR Wasiirka Wasaardda Mudane Cawil Shikh Xaamud, waxa uuna uga mahad celiyay madaxda hay’adda taageerada balaaran ee ay ufudiyaan bulshada soomaaliyeed iyo dawrka ay ka qaataan taageerista barakacayaasha iyo qaxootiga kusugan Puntland, sidoo kale wasiirku waxa uu uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan hay’adaha maxaliga ah sida Kaalo.

waxaa sidoo kale intii uu shirku socday la isdhaafsaday warbixino wax ku ool ah, waxaana dhankiisa ka warbixiyay shaqooyinka ay UNHCR ka wado gudaha soomaaliya Lataliyaha Hay’adda dhanka ilaalinta xuquuqaha.

waxaa sidoo kale la qabtay shir ay sigaara isugu arkayaan madaxda Hay’adda iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda, Shirka oo uu hogaaminayay kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi ayaa ugu horayntii wafdiga Hay’adda kasocday kusoo dhaweeyay xarunta Wasaaradda, sidoo kalana uga mahadceliyaya taageerada joogtada ah ee ay siiyaan umadda Soomaaliyeed siguud, gaar ahaanna umadda ree Puntland isaga oo sigaarana uga mahad celiyay taageerdooda dhanka Casdaaladda.
Intii uu socday kulanaka waxa ay labada dhinac is dhaafsadeen warbixino ku aadan wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.
Warbixinta oo ay ku hormatay Wasaaradda Cadaaladda ayaa mudane Jeele oo ah lataliyaha dhanka farsmada ee Wasaardda soo gudbiyay baahiyah ugu muhiimsan ee haatan ay Wasaarddu ubahaantahay in laga taageero waxaana kamid ahaa, in ay jiraan xeerar wali ubaahan in gacan laga gaysto fulintooda sida Xeerka Kufsiga, Xeerka ka hortagga Tahriibta, taageerista Barnaamijyada looga hortagayo Gudniinka Gabdhaha , samaynta Xarunta gaydinta Xogta Cadaaladda , balaarinta adeegyada lagu taageerayo Cadaaladda iyo ugu dambayntii in Wasaaradda laga taageero Xafiiska xiriirka Dadwaynaha.
Waxaa dhankiisa isna kulanka hadalo kasoo jeediyay sarkaalkii kasocday Hay’adda Unhcr waxa uuna sheegay in hay’addu ay ka shaqaynayso sidii loo dabooli lahaa baahiyaha Wasaardda iyada oo kaashanaysa hay’adaha kale ee UN-ka
Ugu dambayntii waxaa isna talooyin wax ku oola soo jeediyay lataliyaha dhanka Sharciga ee Wasaardda mudane Saalim isaga oo ugu horayntii soo dhaweeyay wafdiga ka socday Hay’adda waxa uuna dhankiisa uga mahadceliyaya dadaalada y hay’addu wado, Waxa uuna soo jeediyay in taageero loo sameeyo ururka Qareenada Puntland oo iyagu taageero sharci ufuliya dadka aan awoodin in ay Qareeno qabsadaan sidoo kale waxa uu soo jeediyay in sharciga ka hortagga Tahriibta iyo sharciga Qaxootiga uu ubahaan yahay xoojinta fulinta labadaas sharci iyaga oo loo samaynayo habraacyo iyo hagayaal lagu fulinayo.
Waxaa isna shirka hadlo koobankasoo jeediyay Cabdi Qani Faarax oo ka socday Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Puntland waxa uuna sheegay in xeer ilaalintu ay ubaahantahay in taageero dhanka qalabka xafiisyada loo fuliyo.
Shirka ayaa waxaa uu ugu dambayntii kusoo gaba gaboobay jawi heer sara waxaana soo xiray kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda