MEDIA News Somali News

Xafiiska Xuquuqul-insaanka ee UNSOM oo kulan Layeeshay Madaxda Wasaaradda Cadaaladda Puntland

waxaa maantay soo booqday Xarunta Wasaaradda Cadaaladda Puntland Madax kasocotay UNSOM gaar haan xafiiska xuquuda aadanaha, waxa ayna la qaateen kulan madaxda ugu saraysa Wasaaradda Cadaaladda sida Wasiirka Wasaaradda Mudane Cawil Shiikh Xaamud , Wasiir kuxigaynka Dr. Maxamed Cali Faarax iyo siihaya Agaasimaha Wasaaradda Mudane Ismaaciil Xaaji Cabdi.

sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa qayb kamid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo qayb kamid ka ah lataliyaasha Wasaaradda .

kulanka ayaaa waxa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo abuuri lahaa jawi wadashaqayn oo dhex mara Xafiiska xuquuqul insaanka UNSOM iyo Wasaardda loogana wada shaqayn lahaa kor uqaadista iyo dardargalinta shaqooyinka la xiriira difaacista xuquuqda aadanaha.

ugu dambayntii waxaa la isla gartay in si joogta ah loogawada shaqeeyo sidii loo dardar-galinlaha kor uqaadista barnaamijyada xiriirka lalaeh xuquuqda adaanaha.

waxaa sidoo kale gabagabadii shrka madaxda Wasaardda Cadaaladdu ay bogaadiyeen booqashada UNSOM ee ay ku timid xarunta Wasaaradda, sidoo kale iyana dhankooda waxa ay ka mahad celiyeen madaxdii kasocotay UNSOM soo dhawaynta ballaaran ee ay Wasaaraddu usamaysay.