MEDIA News Somali News

Wasiirka Wasaardda Cadaaladda Mudane Cawil shiikh Xaamud oo magacaabay Guddi loo xilsaray inay si xaqiiq ah xog uga soo uruuriyaan maxaabista

Wasiirka Wasaardda Cadaaladda Mudane Cawil shiikh Xaamud ayaa Maanta waxa uu magacaabay Guddi loo xilsaray inay si xaqiiq ah xog uga soo uruuriyaan maxaabista xabsiyada isaga jirta oo lagu ilaawayay. Gudigaas oo ka kooban Wasaarada Cadaalada, Maxkamadaha, Asluubta, UNSOM iyo UNODC

Gudiga ayaa shaqadoodu waxa ay ahaandoontaa in ay daraasad dhamaystiran kasoo diyaariyaan si guud xaaladda ay kusugan yihiin maxaabiista Kuxiran xabsiyada Puntland, sidoo kale waxa uu gudigu kormeeridoonaa in maxaabiistu ay helaan xuquuqdooda Dastuuriga ah.

waxa iyana ay xoogga saari doonaan in ay soo ogaadaan jiritaanka maxaabiis iyaga oo aan la xukumin xabsiyada isaga jira iyo sidoo kale in ay jiraan maxaabiis wali xabsiyada kujira iyaga oo dhamaystay muddo xabsiyoodkoodii.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaarddu in ay xogta gudigu soo helaan ku shaqayn doonto wixii khaldanna lasixi doono.

Wasaardda Cadaaladda ayaa waxaa ka go’an in ay markasta dib uhubayn kusamayso xarumaha Dhaqan celinta  ee Puntland kuyaala