WASIIRKA CADAALADDA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KU SUGAN MAGAALADA GAROOWE

Wasiirka Cadaaladda Dowladda Ferderaalka Soomaaliaya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta xarunta Wasaaradda kaga soo qayb galay maalintii ugu danbaysay ee Xuska 16ka maalmood ee ka hortaga tacadiyada loo gaysto Haweenka.
Iyadoo ay joogeen Wasiiradda Cadaaladda maamullada Dalka, Xeer-ilaaliye kuxigeenka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntalnd ayaa Agaasiamaha Guud  ee Wasaaradda Cadaaladda Puntalnd Maxamed Cali Faarax uu ku nuuxnuuxsaday sida Dowladda Puntalnd ay ugu heelan tahay ka hortaga tacaddiyada Haweenka ayna xeerar kala duwan u soo saartay kuwaas oo sida ay yihiin loo dabaqo.
Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu Dowladda Puntalnd iyo Wasaaraddaba ku amaanay horumarka balaaran ee ay sameeyeen iyo sida ay isugu xiran yihiin xarumaha Dowladda iyo wada shaqayntooda homrumarka wayn ee ka muuqdo waxa uuna sheegay in ay maamuladda ka jira Dalka ay wax ka bartaan.

You may also like...