Boosaaso:- Wasiirka ku xigeenka Cadaaladda oo soo xiray tababar ku saabsan tarbiyada ubadka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland Dr Abdifataax Xasan Xuseen ayaa tababar ku saabsan tarbiyada abadka usoo xiray macllimiinta dugsiyada Quraanka.

Tababarkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Cadaaladda waxaana fulinaayay mu’assasada Alminhaaj faraceeda Boosaaso.

Wasiirka ku xigeenka ayaa barayaasha Quraanka ooga digay in ay ubadka ka ilaaliyaan waxyaabaha ka fogayn kara in ay waxabarashada ka tagaan  oo ay ugu horrayso usha lagu garaaco.

You may also like...