GAROOWE:- WASAARADDA CADAALADDA PUNTLAND OO KA TACSIYEYSAY GEERIDA AGAASIME CALI GARGAAR

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland,Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda Puntland waxay uga tacsiyaynayaan qoyska,qaraabada iyo asxaabta uu ifka uga tagey Agaasimihii waaxda maamulka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cali Gargaar oo maanta ku geeriyooday magaalada Garowe.

Cali Gargaar ayaa ka shaqeynayay Wasaaradda 18 kii sano ee lasoo dhaafey wuxuuna ka mid ahaa dadka fara ku tiriska oo ka mid ahaa shaqaalihii lagu asaasay dowlada Puntland.

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajucuun samir iyo iimaan alle ha ka siiyo dhamaan ehelka iyo qoyska uu ifka uga tagey Agaasime Cali Gargaar.

You may also like...