Tababar lagu xoojinayo Dimuqraadiyada iyo cadaalada oo ka furmay magaalada Qardho(Sawiro)

Magaalada Qardho waxaa lagu daahfuray Tababar socon doono mudo sanad ah,waana mid looga hadlayo Dimuquraadiyada iyo Cadaalada waxaana loo qabtay 50 Qof oo kamid ah odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada inteeda kale.

Tababarkan ka furmay Hotel Gufure ee magaalada Qardho ayaaa waxaa daahfurkiisa ugu horeyn ka hadlay maamulka degmada Qardho oo aad u taageeray Barnaamijka looga hadlayo Dimuquraadiyada iyo cadaalada, Burhaan Xaaji Cabdiraxmaan oo ah kusimaha duqa degmada Qardho ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay bulshada in laga wacyigaliyo lagana dhaadhiciyao Dimuquraadiyada si wadanka uu u noqdo mid cadaaladiisu ay aad u sarayso.

Waxa kale oo uu xusay Burhaan Xili Puntland ay u gudbi doonto Nadaamka axsaabta badan in hadana ay dhib tahay ayadoo aan bulshadii laga wacyi galin in la hergaliyo.

Axmed Xasan Cartan Gudoomiyaha NGO ga SSF sidoo kalena ahaa ururkii soo agaasimay tababarka ayaa faahfaahiyay tababarkan nooca uu yahay iyo inta uu socon doono, wuxuuna sheegay in tababarkan ay ugu talagaleen inay kafaa’iidaystaan dad tiradooda ay gaarayso 50 qof, waxayna tababarka u qaadan doonaan koox koox, kooxda ugu horaysa ayaa tababrka qaadanaysa bisha ugu horaysa ayadoo kooxda xigtana ay ku xigi doonaan tababarkana sidaa uu ku socon doono ilaa mudada sanadka ah ee loogu talagalay inuu socdo tababrka.

Gaba-gabadii furitaanka tababarkan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay C/llaahi Siciid Carshe Dhaqaaje horayna u ahaa xildhinaan ka tirsan golaha wakiilada Dowlada Puntland Xiligii Madaxweyne C/raxmaan Faroole, hadana barnaamijka tababare ka ah ayaa sheegay in dhamaan waxyaabaha lagu qaadan doono tababarka ay noqon doonaan wax aan ka hor imaanayn shareecada Islaamka, madaama ay diinteena nafarayso Shuuro hadana barnaamijka loo baahanyahay inay ka qaybqaataan dhamaan ka qayb galayaasha.

You may also like...